Sunday, January 26, 2025

Safiirka cusub ee Dowladda Somalia u magacawday Mareykanka 20 Bilood kadib oo Aqoonsigii laga guddoomay

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed oo warqadihiisa Aqoonsiga looga guddoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareynkanka ee magaalada Washington,

Safiirka Cali Shariif oo Madaxweyne Farmaajo uu magacaabay bishii July 2019 hore ayaa sheegay in Waraaqihiisa aqoonsiga ay ka guddoontay ku xigeenka madaxda Hab maamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Mary-Kte Fisher, kuna faraxsan yahay inuu dalkiisa Soomaaliya wakiil uga noqdo Mareykanka, isagoo hoggaamin doona safaaradda Somalia ee Washington.

Safaaradda Somalia ee Washington ayaa ahayd safiir la’aan muddo ku dhow 2 sanadood, kadib markii safiirkii hore Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Janaayo 2018, iyadoo aan waqtigaas kadib safaaradu ahayd safiir la’aan.

Ad

Safaaraddo badan ayaa ilaa iminkan safiir la’aan ah, iyadoo dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu xilalkii ka qaaday safiiro fara badan oo qaarkood xilalkooda la buuxin waayey, sababo aan la shaacin dartood.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON