Sunday, November 10, 2024

Safiiradii Somalia ee Geneva oo muddo bil ah shaqadii laga joojiyey, laguna celiyey Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo bil ah shaqadii ka joojisay safiirkeedii xarunta Q/Midoobay ee magaalada Geneva, dalka Switzerland.

Safiiradda Faaduma C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) ayaa looga yeeray magaalada Muqdisho inay muddo toddobaad ah ku tagto, sida lagu sheegay qoraal uu ku saxiixnaa wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wararka ayaa sheegaya in Safiirad Faaduma Insaaniya ay shalay dib ugu laabatay Magaalada Muqdisho, iyadoo xilka safiirnimo ee magaalada Geneva uu sii wadi doono qunsulkii safaaradda Maxamuud Maxamed Ali.

Ad

Faaduma Insaaniya ayaa ka aamustay cod loo qaaday cambaareyn dalka Israa’iil loo jeediyey oo ku saabsanaa dhulka ay xoogga ku heysato ee Golan Heights, codkaas oo ka dhacay Golaha Xuquuqda Insaanka ee Q/Midoobay.

Lama oga tallaabada laga qaadi doono safiiradda, laakiin warar is khilaafsan ayaa kasoo baxay sababta keentay inay qaadato tallaabada diblomaasiyadeed ee aan hore loo arag.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON