Waxa magaalada Muqdisho ku sugan safiirada dalalka xubnaha ka ah Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo wadahadal la leh madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulankoodii ugu horeeyhay waxay maanta xafiiskiisa kula yeesheen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna ka koobnaayeen Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.
Safiirada waxaa hoggaaminaya Danjire Maxamed Gad oo xilligan madax k aha Golaha Amniga Midwoga Afrika. Shirka labada dhinac ayaa looga ka wadahadlay howlaha Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM, qorshaha wax ka bedelka howlgalka ee Midowga Afrika, kadib sanadkan 2021 iyo xoojinta Iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika.
Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku maandhaafay wax ka bedelka howlgalka AMISOM oo Midowga Afrika uu ansixiyey in loo bedelo howlgal wadajir ah oo ka kooban Q/Midoobay iyo Midowga Afrika, taasoo ay diiday dowladda Federaalka.