Friday, December 1, 2023

Safiir saaxiib la ahaa Farmaajo oo u ololeynaya xoojinta xiriirka Kenya iyo Somaliya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa olole xoog leh ugu jira in la xoojiyo, lana soo celiyo xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo mugdi ku jiray intii uu xilka joogay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) oo xilka safiirnimo uu u magacaabay Farmaajo, kana mid ahaa saaxiibada madaxweynihii hore ayaa mar kale sheegay inaysan jirin dal Somaaliya uga muhiimsan Kenya, marka ay timaado xiriirka dibadda.

Wuxuu Madaxweynaha cusub hore ugu baaqay inuu socdaalkiisa dibadda ka bilaabo dalka Kenya, balse Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay Imaaraadka Carabta, balse wuxuu mar kale hadda u qalqaalinayaa in lugta labaad ee socdaalkiisa dibadda uu Madaxweynaha u daro dalka Kenya.

Ad

Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan dano badan, ayna leeyihiin hal caddow oo ah Al-Shabaab, dhinaca kalena ay Soomaalida ugu badan jaaliyadda dibadda ku nooshahay dalka Kenya.

“Dowladda Kenya iyo annaga oo deris ah waxa aan nahay labo Dowladood oo aan kala maarmi Karin, waxa aan leenahay xuduud dheer, Dad badan oo Soomaali ah ayaa halkaan ku shaqeysta, si nabad ah oo xasilooni ah oo ay raali ka yihiin Dowladda Kenya & mas’uuliyiintooda sidaas  awgeed waxa ay Dadka Soomaalida aad waxa ay ugu baahan yihiin in aan xoojino xiriirkeena” ayuu yiri Danjire Tarsan.

Dowladii Farmaajo ayaa Kenya u aqoonsatay dal caddow ah, waxaana si weyn u xumaaday xiriirka labada dal, iyadoo Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya, inta aan haddana markii dambe lasoo celin.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON