Dowladda Indonesia ayaa safiir cusub u soo magacawaday dalka Soomaaliya, kasoo maanta lagu qaabilay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u soo magacawaday Soomaaliya Soehadjono Sastromihardjo.
Intii kulanka qaabilaadda uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin lahaa xiriirkaas oo dhinacyo badan leh.
Soomaaliya iyo Indonesia waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi aad u qoto dheer oo bilowday qarnigii tobanaad ee miilaadiya, kaasi oo saldhig u ahaa iskaashi iyo ganacsi is dhaafsi.