Saturday, March 15, 2025

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo la wareegtay maamulka Dugsiyada & Isbitaalka DEVA

Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay la wareegtay Dugsiyadii waxbarasho iyo Isbitaalka DEVA

oo ay maamul jirtay Hay’adda NILE Academy ee lagu eedeeyay inay raacsan tahay wadaadka Turkiga ee Fatxulaah Gulem.

War ay qortay wakaalada Wararka Turkiga oo soo xiganeysay ilo diblomaasiyadeed ayaa lagu sheegay in Hay’adihii ay maamuli jireen kooxda Fatxulah ay hadda wada maamulu doonto Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Ad

Warkan ayaa soo baxay maanta  kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in shaqadii laga joojiyay hay’adda NILE isla markaana muddo 7 maalmood ah loo qabtay shaqaalaha Hay’adda inay uga baxaan Soomaaliya, taasoo ku ekeyd shalay oo Sabti ahayd.

Dugsi hoose oo gabdhaha leeyihiin, Dugsi sare oo isna gabdho u gaara, Dugsi sare iyo Isbitaal ayaa hadda ku wareegaya maamulka safaaradda Muqdisho ee Turkigu leeyahay.

Waxaa Soomaaliya ka baxay Sabtidii iyo Axadii maanta ilaa 40 shaqaale oo isugu jira dhaqaatiir iyo macalimiin ay la socdaan qoysaskooda.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON