Sunday, March 23, 2025

Safaaradda Somalia ee Turkiga oo shaacisay inaysan wax talo ah ku lahayn dhaawacyada la geeyo Turkiga (Jawaabtii Safiirka)

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid ayaa iska fogeeyay eedeyn ay u jeediyeen qaar ka mida Dhaawacyadii Ex. Kontrol Afgooye oo sheegay inay dhaawacyada ka saarayaan isbitaallada iyagoo aan bogsoon.

Safiir Ceydiid ayaa sheegay in safaaradda aysan iyadu keenin dhaawacyada, isla markaana aysan ka saari karin Isbitaalada ay ku jiraan, balse Wasaaradda Caafimaadka Turkiga iyo Dhaqtarrada gacanta ku haysa ay go’aan ka gaareen dhaawacyada dib loo celinayo markii ay ka gudbaan xaaladii halista ahayd, iyaguna aysan waxba ka qaban karin.

Arintan ayaa ka danbeysay markii Hooyo Soomaaliyeed oo laba gabdhood oo ay dhashay mid ku dhimatay Qaraxii 28-kii bishii hore December ka dhacay Ex-Control Afgooye midna ku dhaawacantay ay baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay ku sheegtay inay cabasho ka tahay safaaradda Soomaaliya, lagana saarayo isbitaalkii iyadoo aysan gabadheeda weli bogsoon, xaaladeeduna ay tahay mid culus.

Ad

Hooyo Shariifo Maxamuud Rooble oo dhashay Aamina Maxamuud Axmed oo dhaawac ah haddana ay kula jirto isbitaal Turkiga ki yalala iyo Faadumo Maxamuud Axmed oo qaraxa ku geeriyootey ayaa qeylo dhaanteeda ku sheegay in safaarada Soomaaliya ee Turkiga ay culeys ku saareyso in dalka dib loogu soo celiyo Gabadheeda loona diiday ina isbitaallada gaarka ah xitaa ku daaweysato.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ee Turkiga la keeno ay rabaan inay iska sii joogaan isbitaalllada, laakiin dhaqaatiirta iyo isbitaallada ay u qorsheysan tahay in marka xaaladda degdegga ah laga saaro dhaaawacyada, xaaladooduna ka baxdo halista ay intaas uga dhammaato.

Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya oo waxqabadkeeda ugu weyni noqday inay dibadda u qaadeyso dhaawacyada Qaraxyada ka dhaca caasimadda Muqdisho inaysan wax Wararka ayaa sheegaya ah ka heynin dhaawacyadaasi. wax talo ahna ku lahayn howsha loogu samafalayo, laakiin Wasaaradda Caafimaadka Turkiga ay go’aan ka gaarto, iyadoo madaxda dowladdana ay kaliya sagootiyaan marka diyaaradaha laga saarayo Garoonka Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON