Friday, November 8, 2024

Safaaradda Mareykanka oo Dacwad yaab leh ka qortay ilaalada RW Xamse iyo Lafta-gareen

Safaaradda Mareykanka ayaa dacwad aan hore loo arag u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyadoo ka cabanaysa xadgudub ay xarunta Safaaradda Mareykanka ka sameeyeen ilaalada Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha K/Galbeed.

Warqada Safaaradda oo la helay ayaa si toos ah ugu socotay Wasiir Abshir Cumar Huruuse, waxaan lagu faahfaahiyey falalka ay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ka sameeyeen ilaalada gaarka ah ee Xamsa Cabdi Barre iyo C/casiis Laftagareen.

Falalkii ay labada ilaalo e mas’uuliyiintaasi kula kaceen ilaalada Safaaradda Mareykanka iyo xubnaha Amniga u qaabilsan ayaa lagu tilmaamay ‘dhaqankooda aan la aqbali karin’ oo ka baxsan sharciga diblomaasiyadda.

Ad

Falalka ay Safaarada Mareykanka ka cabatay ayaa dhacay 17-kii May 2023, xafladii sagootinta danjiraha Mareykanka ee Larry Andre, oo lagu qabtay gudaha Xalane, gaar ahaan qeybta diblomaasiyiinta ee Diplomat Freight Service (DFS).

“Ciidamadeenu waxay ku sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu, ilaalada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed…waxay hub ula soo baxeen oo halis geliyeen xubno kamid ah kooxdeenna ammaanka qaabilsan”. ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka.

Sidoo kale waxay safaaradu sheegtay in ilaalada Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha K/Galbeed ay u gacan qaadeen saddex xubnood oo ka mid ah shaqaalaha safaaradda, waxayna dalbatay in tallaabo laga qaado ciidamadii falkaasi geystay.

- Advertisement -

Arrintan oo baraha bulshada qabsatay ayaanay weli ka hadlain dowldda Soomaaliya iyo Safaaradda Marekanka, waxyna ka mid tahay hab dhaqanka ilaalada madaxda Soomaalida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON