Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa War ay soo saartay ku beenisay Qoraal si weyn loogu baahiyay Baraha Bulshada oo ka hadlayay aqoon-darro dhinaca Luqada Ingiriiska ah oo heysata qaar ka mida Wasiirada iyo Mas’uuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka Safaaradda Jarmalka ayaa lagu caddeeyay in Qoraalka (MEMO) ee laga faafiyay Safaaradda Jarmalka uu yahay been abuur la dhoodhoobay, isla markaana qofka magaciisa lagu xusay qoraalka uu sanado ka hor ka tegay safaaradda.
“Safaaradda Jarmalka waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in Qoraalka lagu sheegay inuu kasoo baxay xafiiskeenna uu yahay been-abuur. Qofka magaciisa ku xusan Qoraalkana uu safaaradda ka tagay sannado ka hor” ayaa lagu yiri warka safaaradda Jarmalka ee Somaliya.
Qoraalka been abuurka noqday oo aad u dheeraa ayaa lagu sheegay in wasiiro ka mida dowladda Soomaaliya aysan aqoon fiican u lahayn luqada ingiriiska, taasoo keentay is-faham la’aan, waxaana faafintiisa ka qeyb qaatay taageerayaasha xubno caan ka ah Baraha bulshada, kooxda Farmaajo iyo dad caadi ah oo ku sirmay.