Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ayaa ku qasbanaatay inay beeniso War si weyn loogu baahiyay Baraha bulshada oo laga soo qaatay wargeys kasoo baxa dalka Itoobiya, kaasoo ku saabsanaa Somaliland iyo Itoobiya.
Warkan waxaa laga soo qaatay maqaal lagu qoray wargayska ‘African Heral’ ee dalka Itoobiya, wuxuuna nuxurkiisu ahaa in wadahadal dhexmray ergayga Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo tagay Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wargeyskan ayaa lagu qoray in ergayga Mareykanka ee Mike Hammer uu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi, isla markaana uu dalbaday in la ixtiraamo xiriirka diblumaasiyadeed iyo dhaqaale ee Itoobiya iyo Somaliland.
Balse safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa barteeda X ee hore loo oran jiray Twiter, waxaa ay ku beenisay xogta ku qoran magaalka Afrikan Herald oo ay ku sheegeen mid been abuur ah, iyadoo sawirka qoraalkaasi lagu muujiyay farriinta Safaaradda Mareykanka.
“Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan hadal la sheegay inuu ka soo yeeray ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer oo ku saabsan Soomaaliya waa been abuur.” ayaa lagu yir qoraalka ka soo baxay safaarada.
Dhinaca kale waxaa la faafiyay khudbad uu jeediyay Ergeyga Mareykanka ka jeediyay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ee magaalada Kampala horaantii sanadkan. “Sida aan marar badan ku celinay Mareykanka wuxuu aqoonsan yahay madax banaanida, Midnimada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaan aaminsanahay in arrinta Somaliland ay tahay mid quseeysa dadka Soomaalida oo keliya ah” ayuu yiri Hammer.
Warka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa jawaab u ahaa olole ay Baraha bulshada ka wadaan taageerayaasha Somaliland oo wixii ay awoodaan u adeegsanaya inay ku taageeraan heshiiska Abiy AHmed iyo Muuse Biixi, halka Aqoonyahanno Soomaaliyeed, siyaasiyiin iyo madax kale ay Baraha bulshada ka wadaan dagaal warbaahineed oo ku lid ah Itoobiyaanka iyo Gooni-u-goostada Somaliland.