Saturday, April 26, 2025

Saddex Safiir oo Madaxtooyada Somaliya looga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee dhowaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Madaxtooyada Qaranka ayey ka dhacday munaasabadda uu Madaxweynaha waraaqaha Aqoonsiga uga guddoomay Danjireyaasha Jabuuti: Maxamed Ibraahim Yuusuf, Danjiraha Cusub ee Kanada Christopher Thornley, iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba ee Somaliya.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON