3 ruux ayaa lagu dilay, sidoo kalena waxaa lagu dhaawacay 9 kale kadib markii rag dabley ah oo ku hubeysan qori uu rasaas ooda uga qaaday xarun laga dukaameyso oo ku taala magaalada Tel aviv ee Israa’iil.
Weerarkan ayaa ka dhacay suuqa loo yaqaan Sarona oo ku dhow xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Yuhuuda.
3 nin ayaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarka, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in laba kamida dableyda la qabtay midkii kalena la baadi goobayo.
Shan kamida dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in dhaawacoodu aad u liito sida ay sheegeen dhaqaatiirka degdega ah.
Xukuumada Israa’iil qeybteeda amniga ayaa kulan degdeg ah la isugu yeeray si xaalada ay go’aano uga gaaraan, waxaana kulanka guddoominaya Ra’iisal wasaare Benyamin Natenyahu.
SAWIRRO
#BREAKING: Video running in panic in central Tel Aviv after the shooting attack pic.twitter.com/GabWXBC8yj
— Amichai Stein (@AmichaiStein1) June 8, 2016