Saddex ka mida Ra’iisal wasaare ku xigeennadii hore ee Soomaaliya, kana soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ka hor yimid qaabka ay Doorashda Aqalka Sare u maamuleen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Qoraal ay wadajir u soo saareen Fowsiyo Yuusuf Xaaji, Xuseen Carab Ciise iyo Ridwaan Xersi Maxamed ayaa lagu eedeeyay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay doorashda ka reebeen musharixiin xaq u lahaa, isla markaan ay soo saareen Habraac aysan sharci u lahayn.
Sidoo kale waxay saddexda mas’uul ee qoraalka soo saaray ku eedeeyeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay faragelin ku sameeyaan Odayaashii saxiixayaasha ahaa oo qaarkood ay meesha ka saareen, waxayna ugu baaqeen Ra’iisal wasaaraha in la saxo arrimahaasi.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Ujeeddo: Dulmiga doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Goballada Waqooyi (Somaliland)
lyadoo aanu aad soo dhawaynay heshiiskii labada daraf ee Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland oo aannu annaguna qayb ka ahayn, waxaa la rajaynayey in ay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah, oo ku dhisan tartan too siman yahay kuna dhacda si caddaalad ah. Waxaa hadaba la filayey in doorshadaasi noqoto mid hufan oo tusaale u noqota doorashooyinka kale ee dalka, hasa yeeshee markii awooddii iyo maamulkii doorashada Aqalka Sare ay la wareegeen Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi Gudoomihaya Aqalka Sare iyo Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisal-wasaare ku Xigeenkuvvaxaa sOO baxayarrinnaha soo socda:-
1- Waxay si caddaallad darro ah oo baal marsan sharciga iyo daah furnaanta tartanka doorashada u soo qoreen liiska musharaxiinta Aqalka Sare iyagoo ah musharaxiin la tartamaysa dadka ay qorayaan.
2- Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi wuxuu isagu xayndaabtay kursiga 1aad kaligiis si aan cidina ugula tartamin, isagoo jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wadi heshiiyey.
3- Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed waxay kuraasta inteedii kale u xidheen dad gaar ah iyagoo si gef ah oo badheedh ah uga reebay tartanka tartamayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa hadda kuraastaasi ku fadhiya xaqna u lahaa inay ku tartamaan, taasoo baal marsan hadalkii Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ka jeediyay kulankii iscafinta oo uu ku sheegay in xildhibaanada kuraasta ku fadhiya lagula tartami doono si siman oo cadaalad ah.
4- lyagoo sheeganaya magaca Guddoonka Sare ee doorashada Somaliland, waxay soo saareen habraac ay ku sheegeen in lagu maamulayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo aanay xaq u lahayn inay soo saaraan Habraac doorasho. Arrintaasi waxay khilaafsan tahay heshiisyadii 17 sep. 2020, 1 dii Oktober2020 iyo 27 May 2021 ee kasoo baxay Golaha Madasha Wada-Tashiga Qaran. Magacaa ay iskood ula baxeen meella kagama jiro shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka ee soo baxay.
5- Waxay fara galin ku sameeyeen Odayada Dhaqanka( Saxeexeyaalka) qaarkood oo ay ka qaadeen xuquuqdii iyo masuuliyadii ay dadkii ay wakiilka ka ahaayeen u dhiibteen , taas oon hore loogu arag dhaqanka Somaliyeed, iyagoo ka leh dano gaar ah.
Ugu danbayntii waxaanu ugu baaqaynaa Ra’iisal-Wasaaraha in la saxo qaladaadka ku jira doorashada lana waafajiyo shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka dalka ee lagu heshiiyey, isla markaana waa in laga digtoonaadaa oo laga ilaaliyaa doorashada Golaha Shacabka ee foodda innagu soo haysa,si ay ugu dhacdo si caddaalad ah oo daahfuran.
Wa Billaahi Tawfiiq
Xildhibaan Fawzia Yusuf H. Adam
Raisal Wasaare- Ku Xigeen hore
Hon. Xildhibaan Xussein Carab Ciise
Raisal Wasaare- Ku Xigeen hore
Hon. Mudane Ridwan Xirsi Mohamed
Raisal Wasaare- Ku Xigeen hore.
