Sunday, April 27, 2025

Saddex Kursi oo lagu doortay magaalada Baydhaba iyo Xildhibaan u soo baxay Mucaaradka

Waxaa maanta magaala Baydhaba ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay Doorasho ay ku soo baxeen Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kursiga koowaad ee HOP#180 oo uu horay ugu fadhiyay Daahir Cabdi Cabdulle (Dr. Go) waxaa ku tartamay musharax Saadaad Maxamed Nuur Aliyow & Maxamed Axmed Maxamed, waxaana kursiga kusoo baxay Saadaad Maxamed Nuur Aliyow oo helay Codad dhan 87 Cod halka musharrixii la tartamayey uu heley codad dhan 9 Cod, waxaana halaabay 4 Cod.

Saadaad Maxamed Nuur Aliyow ayaa ah xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan Mucaaradka ee kusoo baxa doorahsada K/Galbeed, isagoo ka mida Xisbiga WADAJIR ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Ad

Kursiga labaad ee HOP#213 Waxaa hore ugu fadhiyey Yacquub Cali Maxamed, waxaana kursiga ka qaadatay oo kusoo baxday Aamina Maxamed Mursal oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen. Aamina Mursal ayaa heshay 79 Cod halka musharrixii la tartamayey ee Aamina Xuseen ay heshay codad dhan 12 cod.

Kursiga Saddexaad ee maanta lagu doortay baydhaba aya ahaa HOP154, waxaana kusoo baxday Sareeda Maxamed Cabdala oo hore ugu fadhiday, waxayna heshay 89-cod halka musharaxii la tartamaysay oo ahayd gabar aad u yar Fardowsa Ibraahim Cabdi ay heshay 8-cod.

Waxaa dib loo dhigay kursiga HOP193 oo uu ka geeriyooday Maxamuud Maxamed Boonow, iyadoo dib loo qaban doono doorashadiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON