Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre abaalmariyay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.
Dhallinyaradan ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa ee dhulka yaalay, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha ku ammaanay geesinimadooda.
“Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimadiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay saddexda dhalinyarro oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan Raage, Ilyaas Muxyadiin.
Dhallinyaradii ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha taageerada iyo dhiirrigelinta xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danta guud iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed.