Saddex dal ayaa xalay shaaciyey in la arkay bishii Shawaal (Soonfur), iyadoo dadkooda amray inay maanta tahay maalinta koowaad ee Ciidul firtiga xilli dunida Muslimka inteeda kale laga waayey Bisha, lana xaqiijiyey inaan la arki karin.
Dalalka ku dhawaaay aragtida Bisha ee maanta ay Ciida u bilaabatay ayaa kala ah:
Afghanistan: Dowladda Daalibaan ayaa ku dhawaaqday inay maanta tahay Ciid, kadib markii ay ku sugnaatay aragtida sharciga ah oo dad ku sugan dalkaasi ay laba gobol ka sheegeen inay ka arkeen bisha.
Mali: Dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ayaa shaaciyey inay maanta u tahay Ciid, markii dadka qaarkood ay arkeen dhalashada bisha.
Niger: Dalkan oo sidoo kale ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa ku dhawaaqay inay maanta tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga, waxaana dalkaasi uu shaaciyey in dhowr meel laga arkay bisha.

Dalalka ugu badan islaamka ayey Berri u tahay Maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, markii ay 30 malamood soomeen, waxaana ka mida: Sacuudiga, Dalalka Khaliijka, Somalia, Ciraaq, Jordan, Masar, Lubnaan, Algeria, Tunisa iyo dalal kale oo fara badań.
Dalalka Soonka Bisha Ramadaan bilaabay Axadda April 03 2022, oo ay ka mid yihii: Indonesia, Malaysia, Brunei, India, Bangladesh, Pakistan, Iran, Oman, Jordan, Morocco iyo Ghana ayaa maqribka maanta raadinaya Bisha.