Wednesday, October 16, 2024

SADDEX ARRIMOOD OO SABABI KARA IN XASAN SHEEKH DIB LOO DOORTO [Faallooyinka Doorashada]

Iyadoo ay sii xoogeysaneyso ololaha doorashada 2016 ee Soomaaliya, ayaa waxaa soo badanaya musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

Ilaa iyo hadda musharaxiinta is shaaciyay iyo kuwa la ogyahya inay jidka ku soo jiraan ayaa gaara 31 musharax, waxaana la filayaa inay ka tiro bataan kuna dhowaadaan 50.

xasan-sheekhSaadaasha xilka madaxweynaha ayaa xilligan ah waqti hore, tiiyoo qaabka ay wax u socdaan ay dhici karto in dib u dhac kale ku yimaado doorashada ayaa haddana qormadan yar ku qiyaaseynaa fursadaha uu heysto madaxweynaha doonaya in mar labaad dib loo doorto ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad

Ka sokow inuu hadda yahay madaxweynaha, isla markaana awood iyo hanti badan uu awood u leeyahay inuu u adeegsado doorashadiisa, waxaa kaloo soo baxaya sababo kale oo keeni karta in dib loo doorto.

Saddexda arrimood ee ugu waaweyn in Xasan Sheekh uu ku soo laabto kursiga waxay kala yihiin:

1. MUSHARAX  MIISAAN LEH OO AAN MUUQAN

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda ma muuqdo ciriiri weyn gelin kara Xasan Sheekh marka la eego dadka isu sharxay xilkan iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Siyaasiyiinta hadda xilkan isu taagay qaarkood waxay sabab u noqon karaan inuu Xasan soo laabto, taasoo ay ugu wacan tahay inaysan lahayn wax sumcad ah ama hore loogu bartay falal ka hor istaagi kara, waxayna dhibaatada ugu weyni tahay in la waayo musharax miisaan leh oo Xasan Sheekh ka hor istaagi kara inuu soo laabto.

2. XASAN OO UGU HANTI BADAN  MUSHARIXIINTA

Madaxweynaha xilka ka dhammaaday waxaa lagu tilmaamaa nin muddo dheer ka shaqeynayay inuu dib u soo laabto, isla markaana hanti badan meel u dhigtay doorashadiisa, iyagoo la ogyahay in doorashooyinka Soomaaliya ay ku dhisan yihiin hadba qofkii lacag badan heysta, waxay tahay arrinta labaad ee keeni karta in Xasan Sheekh soo laabto.

- Advertisement -

3. XISBIGA XASAN SHEEKH (PDP)

Xisbiya Xasan Sheekh (PDP) iyo kooxda Damjadiid waa koox ka dhisan, kama nidaamsan xisbiyada kale iyo kooxaha kale ee siyaasadeed, waxaana xisbiga madaxweynaha uu leeyahay waaya-aragnimadii doorashadii hore, kadibna waxaa u suuragashay inuu ku milmo talada dalka.

Qodobadda kor ku xusan iyo kuwo kale oo ay ku jiraan qorshooyin kale oo Xasan Sheekh u diyaarsan oo ay ku jiraan balanqaadyo xileed iyo kuwa hantiyeeed waxa mar kale halis loogu jiraa inuu Oday Xasan dib u soo laba kacleeyo.

Faallada Goobjooge.com

doorasho16

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON