Boqortooyada Sacuudiga ayaa si buuxda u garab istaagtay madax bannaanida Dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya, sida lagu sheegay War-murtiyeed kasoo baxay kulamadii Madaxweynaha Soomaaliya magaalada Maka kula yeeshay dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salman.
War-murtiyeedka labada dal ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, xoojinta xiriirka maalgashiga dhinacyada beeraha, xoolaha, kaluumeysiga, gaadiidka, iyo dekedaha, iyadoo labada dal iska kaashanayaan dhinaca amniga, iyo la-dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa caddeysay inay tahay lama taabntaan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madax-bannaanida dhulkeeda, iyadoo ka horjeesatay heshiiskii dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
“Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay deegaanka Soomaalida (Somaliland), Boqortooyadu waxay caddaysay sida ay uga go’an tahay midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee walaalaha ah iyo madax-bannaanida dhulkeeda oo dhan. Labada dhinac waxay caddeeyeen inay ku dhegan yihiin go’aankii Jaamacadda Carabta ee ku taariikhaysnaa 1/17/2024, kaasoo lagu caddeeyay inay taageerayaan amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”. ayaa lagu yiri War-murtiyeedka Somaliya iyo Sacuudiga.