Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay Berri oo ah Talaado 13-ka April 2021 ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.
War kasoo baxay Maxkamadda Sare ee SacUudiga ayaa lagu shaaciyey inay sugnaatay aragtida bisha Ramadaan ee Caawa, iyadoo laga arkay degaanka Tamir ee u dhow magaalada Riyaad, sidaasina lagu shaaciyey inay Berri tahay Ramadaan 1442 H.
Waxaa Sacuudiga ku raacay oo sidoo kale Berri ay Soon u tahay dallaka Khaliijka intooda badan, sida Qatar, Imaaraadka, Kuwait iyo Bahrain.
Dalalka kale ee ku dhawaaqay inay Berri oo Talaado tahay maalinta koowaad ee Ramadaanka ayaa kala ah:
Indonesia
Maleysia
Jordan
Falastine
Sudan
Syria
Dalalka hore ugu sii dhawaaqay inay Berri oo Talaado ah u tahay Ramadaan, waxaa ka mida:
1- Masar
2- Yeman
3- Lubnaan
4- Tunisia
5- Turkiga
Dalalka kale ayaa shaaciyey inay Arbacadda oo ku beegan 14-ka April ay u bilaabaneyso Bisha Ramadaan, waxaa dalalkasi ka mida:
1- Brunai
2- Cumaan
3-Iran
