Dowladda Sacuudiga ayaa shaacisay in la arkay bisha Dul-Xijjah (Carafo) iyo maalinta ay ku beetgan tahay munaasabadda Ciidul Adxaa ee sanadkan.
Bisha Carafo ayaa caawa la sheegay in laga arkay goobta loo yaqaan Tamirka ee dalka Sacuudiga, sidaasina ay maalinta Carafo ay ku beegan 8-da July oo jimco ah, halka maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay tahay Sabtida 9-ka Luulyo 2022.
Dhinaca kale dalalka islaamka ayaa bilaabay inay ku dhawaaqaan in la arkay bisha Dul-Xijjah iyo in kale iyo maalinta ay u bilaabaneyso Ciidul-Adxa.
Dalalka Malaysiya, Indonesia iyo Burunai ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan la arkin bisha Dul-Xijjah ee Carafa, iyadoo dalalkaasi ay Ciidul Adxaa u bilaabnaeyso Axada 10-ka July 2022.
Dalalka islaamka ee Carabta ah ayaa inta badan Sacuudiga ku raaca dhalashada Bilaha Dulxajj iyo Ramadaan, halka dalal kale ay si gaara u maamushaan aragtida billahaasi.