Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkii labaad joojisay inay dadka Muslimiinta ahe e dalalka dibadda ka imaanaya Waajibaadka Xajka u tagaan dalkaasi.
Wasaaradda Xajka & Cumrada ayaa ku dhawaaqday maanta in Xajka sannadkan 1442 ee Hijriyada (2021) ay kaliya xajin karaan 60-kun qof oo ah muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka Ajnabiga ah ee ku nool gudaha dalka Sacuudiga.
Tirada xujeyda ee sannadkan ayaa xaddiday 60,000 qof kun oo keliya, waxaana shardi ah in qofka xajinaya uu iska tallaabay cudurka Covid-19, isla markaana da’diisu u dhaxeyso 18 ilaa 65 sano jir. Waa Xajkii kii labaad oo aysan Muslimiintii ka soo xajin jirtay dalalka kale ee dibadda.
Arrintan ayuu Sacuudigu sabab uga dhigay inay weli ay jirto halista Cudurka Corona iyo noocyo cusub oo mar kasta ka faafaya dallka dunida.

