Maxkamadda Sare ee Boqorotoyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii caawa inay dhalatay Bishii Dul-xijja ee Carafo iyo maalmaha ay ku beegan yihiin Carafa iyo Ciidul Adxaa.
Maalinta 9 ee Carafada ay taagan yihiin xujeyda Muslimiinta ayaa ku beegan Talaadada, June 27-ka June, halka Arbacada ay noqon doonto maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, sanadkan 1444 H.
Bayaan kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayey ku xaqiijisay in la arkay bisha Dul-Xijjah, iyadoo maalinta berri oo Isniin ah ay noqon doonto maalintii ugu horreysay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sucuudiga.
Maalmo gudahood waxaa magaalada Makkah Al-mukarrama ka bilaaban doona gudashada waajibaadka xajka ee sanadkan (1444H/2023).
Dhowaan Wasiirka Xajka Sacuudiga, Tawfiiq Al-Rabiah, ayaa ku dhawaaqay inay Sacuudiga soo gaareen laba milyan iyo Bar oo xujey oo sanadkan gudanaya Waajibaadka Xajka, iyadoo Sacuudigu dib u soo celiyaya tirada xujeyda ee dalkaasi tegi jirtay ka hor faafida Cudurka Corona.