Monday, February 17, 2025

Sacuudiga oo ku dhawaaqay Ciidul Fitriga iyo Berri oo noqoneysa Maalintii ugu danbeysa..

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in la waayay caawa Bishii Shawaal, sidaas darteedna ay Berrri oo Talaado ah la dhammeystirayo 30-ka Ramadaan 1445.

Maalinta koowaad ee Ciidul fitriga ayaa la xaqiijiyay inay noqon doonto Arbacadda 10-ka April 2024, waxaana sidoo kale in la dhammeystirayo 30-ka Bisha Ramadaaan ku dhawaaqay dalalka Khaliijka iyo dalal kale oo Sacuudiga ku raacay.

Soomaaliya weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxya dowladda Federaalka iyo maamullada kale, inkastoo laba maalmood oo kal aduwan laga kala soomay degaanada Soomaaliya.

Ad

Dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada Koonfurta Soomalaiya iyo Somaliland ayaa Ramadaaanka bilaabay Isniinta 11-ka Maarso, halka Puntland iyo deganda Alshabaab Ramadaanka laga bilaabay Talaado 12-ka Maarso.

Ciidul Fitriga sanadkan 1445 ayaa u muuqata in lagu midoobi doono maalinta Talaadada oo dunida islaamka laga wada Ciidi doono hal maalin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON