Dalka Sacuudiga ayaa Gakabta maqribka laga raadinayaa dhalashada Bisha Ramadaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda, iyadoo Dadka dalkaasi laga dalbaday inay baadi goobaan Bisha.
Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa ku amartay dhammaan Muslimiinta ku nool guud ahaan dalka Boqortooyada Sacuudiga inay raadiyaan aragtida bisha barakeysan ee Ramadaan oo ku beegan maqribnimadii Jimcaha oo ah 29-ka bisha Shacbaan – sida ay wakaaladda wararka Sacuudiga.
Sacuudiga oo dhalashada Bil kasta la diiwaan geliyo ayaa jadwalka Ummul-Qura lagu caddeeyay in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiitii 3/4/2022 Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan; taasoo waajib ka dhigeysa in la baro Bisha Ramadaan.
Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudiga waxay dhammaan Muslimiinta ku nool Boqortooyada dalkaasi ka codsatay qof kasta oo ku arka indhihiisa ama Qalabka Endoscopes inuu ku wargeliyo maxkamadda ugu dhow, si uu u diiwaan geliyo markhaatigiisa, ama inuu la xiriiro xarunta ugu dhow si ay uga caawiso inuu gaaro maxkamadda ugu dhow.
Bisha Shacbaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda oo inta badan dalalka Islaamka u bilaabatay Jimce 4 Maarso 2022 ayey caadu tagat in aragtida Bisha barakeysan ee Ramadaan la raadiyo Maqribka Jimcaha ee 29 Shacbaan oo ku beegan 01 April 2022.
Dhinaca kale culimada Fiisigista iyo Xiddigiska ayaa sheegay inaysan suuragal noqon doonin maqribka Jimcaha caawa ee 1-da April in Indhaha lagu arko guud ahan dalalka Islaamka, meelaha qaarkood sida Galbeedka Afrika si aad u dhib badan loogu arki karo Qalabka Telescope-ka.
Arrintan waxaa ugu wacan iyadoo ay isku xirmayaan ama hal mar oo wax badan u dhaxeyn ay isla dhacaayaan Qoraxda iyo Bisha, tasoo ah xaalad aanay dadka caadiga ah ishooda ku arki karin, marka xaaladaasi dhacdo waxay u badan tahay oo Dhaqanku yahay in inta badan dalalka caalamka Islaamka ay ku dhawaaqaan curashada bisha Ramadaan maalinta xigta ee Sabtida oo ku beegan April 02, iyadoo shacbaanku markaas noqon doono 30 maalmood.
Dalalka Islaamka ee ku sooma aragtida tooska ee in Bisha ndhaha dadka lagu arko kaliya ama shardi ka dhigta in dalkaasi gudihiisa laga arko, kuwaasoo ah dalal yar waxaa la filayaa in bisha barakeysan ee Ramadaan ay bilaabato maalinta Axada ah ee April 03.
Warbixinta oo faahfaahsan halkan ka akhriso
