Wednesday, September 18, 2024

Sacuudiga oo deeq 50 Milyan oo doolar siiyay dowladda Soomaaliya

Wararka laga helayo xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay deeq gaareysa 50 Milyan doolar malaayiin doolar ah ka heshay  Boqortooyada Sacuudiga kadib go’aankii ay xiriirka ugu jartay dalka Iiraan iyo is barbartaagii ay Soomaaliya la saftay dalka Sacuudiga.

Deeqdan ayaa isugu jirta 20 Milyan Doolar oo lagu kabayo miisaaniyadda dowlada iyo 30 Milyan doolar oo ah horumarin, waxaa la bixiyay isla maalintii ay dowladda federaalka xiriirka u jartay dowladda Iiraan.

Sida ay Goobjooge.com hore u shaacisay waxay lacagtan abaalmarin u tahay doorka Soomaaliya ku taageertay Boqortooyada Sacuudiga. Soomaaliya ayaa ka sokow inay xiriirka u jartay Iiraan, waxay ka mid tahay isbaheysiga Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka kula jira xuutiyiinta Yeman iyo madaxweynihii hore ee dalkaasi, waxay kaloo ka soo dhex muuqatay isbaheysiga dalalka islaamka ee argagixiso la dirirka oo dhowaan Sacuudigu ku dhawaaqay.

Ad

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaneysa inay shaaciso deeqda lacageed ee Sacuudiga siineyso Soomaaliya, waxaana sida ay maanta qortay Wakaalada wararka ee Rueters ay aragtay dokumentiga deeqda Sacuudiga waxay dowladda Soomaaliya ku dooday inaysan wax xiriir ah ka dhaxeynin deeqdaasi iyo xiriirka ay goysa Iiraan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON