Monday, March 24, 2025

Sacuudiga & Dalal kale oo Caawa laga raadinayo dhalashada Bisha Soonfur & Faahfaahin

Waxaa caawa maqribka laga baadi goobayaa dalal badan oo muslim ah dhalashada Bisha Shawaal (Soonfur), kadib markii 29 maalmood laga soomay bishii Ramadaan dalalkaasi.

Ciidul firtriga Sanadkan 1441 Hijriyadda ayaa la filayaa inay ku dhammaato 30, sid ay xaqiijiyeen culimada Xiddigista ku xeel dhere oo caddeeyay in Dayaxa uu Galabta dhacayo ka hor qoraxda, taasoo micnaheedu yahay in Sabtida la dhammeystirayo Ramadaanka. [Akhri Warkan]

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa dadweynaha dalkaasi ka codsatay inay raadiyaan Bisha Shawaal, ayna ciddii aragta ku wargeliso faracyada Maxkamadaha ugu dhow ee dalkaasi, iyadoo ay jiraan Guddiyo loo xil saaray arrintan.

Ad

Waxaa kaloo bisha dhalashada bisha Soonfur laga raadinayaa dalalka Khaliijka iyo dalalka kale ee islaamka oo laga soomay 29-ka maalmood laakiin waxay u badan tahay inaan caawa la arki karin bisha oo Berri ay tahay 30-ka Bisha Ramadaan.

Maalinta Axadda ah ee 24-ka May ayaa lagu wadaa in laga wada ciido dunida islaamka, waxaana laga sugayaa go’aanka Maxkamadda Sare ee Sacuudiga iyo dalalka kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON