Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo guuraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib muddo Bil ah oo uu ku sugnaa.
Waxaa degmada Maxaas ka socda qabanqaabada soo dhoweynta Madaxweynaha, iyadoo ay gaareen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale.
Sidoo kale waxaa aad loo sugay amniga magaalada iyadoo ay gaareen ciidamo fara badan oo ka mida kuwa Madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidamada kala duwan ee Milateriga iyo Sirdoonka Soomaaliya.
Ujeedka madaxweynaha u imaanayo Maxaas ayaa lagu sheegay sidii uu u dardargelin lahaa dagaalka Alshabaab oo jug soo gaartay, waxaana wararku sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu taageeradii uu ka rabay ka heli waayey beelaha ugu waaweyn Galmudug.
Beelaha Galmudug ayaa soo bandhigay ciidamo fara badan oo dagaal diyaar u ah, balse laguma arag aaggaga dagaalka, taasoo keenay su’aalo badan oo ka dhashay soo joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb.