Friday, December 1, 2023

Sababaha Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dalka Burundi oo la shaaciyay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray dalka Burundi oo ka mida dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka mida Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in ku saabsan yahay ciidamada Burundi ee ka mida ATMIS iyo qaabka ay dalka uga baxayaan oo qaarkood dib loo dhigay muddo saddex bilood ah, balse hore loo diyaariyay in dalkooda lagu celiyo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Madaxweynaha dalkaas Évariste Ndayishimiye kala hadlayo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadajinta dhammeystirka xubinnimada Soomaaliya ee uruurka EAC kula qaadanayo.

Ad

“Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaas ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka Khawaarijta, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayanka madaxtooyada oo intaas raadciyay.

Madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa hadda ah guddoomiyaha Suuqa Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista Suuqan.

Xasan Sheekh ayaa dhowaan safarro is daba joog ah ku tegay dalal badan oo ay ka mid yihiin Belguim, Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON