Wednesday, May 21, 2025

Saanad Ciidan iyo Qalab u socday Alshabaab oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Dekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay Shixnad Saanad ah oo ku socotay Alshabaab, Shabakadii ka dambeysay iyo waliba Gaadiidkii lagu qaadi lahaa.

Wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa Maxamed Cali Xagaa oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Hay’adda Sirdoonka ay la socotay kooxdan iyo Saanada ay dalka soo gelisay, kuna soo qarisay Konteenaro, kadibna la fashilyay.

Shabakada howshan lagu qabtay oo kala joogtay gudaha iyo dibadda, kana kooban 10 qof ayaa gacanta lagu dhigay dhammaantood, iyadoo sidoo kale la qabtay afar gaadiid ah oo qalabkaas lagu qaadi lahaa.

Ad

Dadka la qabtay waxaa ku jira ganacsato lagu eedeeyay inay dalka soo geliyeen waxyaabo halis ah, sidoo kalena la qabtay agab kale oo ku socday Alshabaab, kana soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Saanad la qabtay ayaa lagu sheegay inay tahay Alaabta ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab, balse faahfaahin lagama bixin waxa ay ka kooban tahay.

Muuqaallada lasoo bandhigay waxaa ka muuqday Dhar ciidan, Qalab caafimaad sida irbadaha iyo qalabka Qalliinka lagu sameeyo iyo qalab kale.

- Advertisement -

Dhanka kale Sirdoonka Somalia wuxuu gacanta ku dhigay Alaabo u socday Cadowga oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo sidoo kale aan la faahfaahin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON