Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonka Golaha Shacabka gaarsiiyey Qoraallo ku saabsan Qorshaha Xukuumaddiisa oo uu doonayo in la ansixiyo.
Xogheynta Baarlamaanka ayaa la socodsiiyey xildhibaannada in Xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu Baarlamaanka gaarsiiyay Dukumentigii soo gudbinta Xukuumada Cusub iyo Barnaamijkeedii.
Xildhibaannada ayaa farriinta loo diray loogu sheegay in waqtiga la hor keenayo Xukuumada Cusub si codka kalsoonida loogu qaado lala wadaagi doono Golaha Shacabka.
“Waxaan idinla socodsiinayaa in Xafiiska Golaha Shacabka shalay oo taariikhdu ahayd 03 Agust uu ka gudoomey Xafiiska R/Wasaaraha Dukumentigii soo gudbinta Xukuumada Cusub iyo Barnaamijkeedii. Wakhtiga la Horkeenayo Xukuumada Cusub Golaha Shacabka dhawaan ayaa la idinla soo wadaagi doonaa” ayaa lagu yiri farriinta xogheynta Golaha Shacabka.
Dadaallo is barbar socda ayaa ka socda Muqdisho, iyadoo wasiirada la magacaabay ay wadaan inay taageero ka raadsadaan xildhibaannada Baarlamaanka, halka ay dhinaca kale ka socdaan qorsheyaal looga horjeedo (Halkan ka Akhriso Warbixinta).
