Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta degmada Heliwaa uga qayb shirar wareegyo maalmahan lagu qabto degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlo xaaladda nabadgelyada.
Xilliga Casirkii ayaa la xiray Wadadda Isku xirta Muqdisho iyo Balcad iyo jidadka soo gala, iyadoo laga joojiyay Gaadiidka waxayna xirneyd ilaa maqribtii muddo 3 saacadood ah oo ku beegneyd xilliga ay dadka kasoo laabaneyeen shaqooyinkooda, taasoo keentay inay ku xaryirmaan dadweyne iyo gadiid fara badan
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu Heliwaa xitaa haddii ay habeen noqoto joogi karo, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay sida lagu dhisay ciidamada Booliska Milateriga ee Xoojiyay Amniga caasimadda.
“In galabta aan ku kulanno fagaraahan degmada Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga caasimadda. Habeenkii xitaa waan joogi karaa halkan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Xamse ayaa sheegay in ahmiyad ay Amniga siisay Xukuumadiisa ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi galinta iyo wada shaqaynta bulshada oo muddo kor hor aanay suuro gal ahayn.