Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Maamulka SSC ee Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo shalay yimid Muqdisho.
Hoggaamiyaha SSC ayaa casuumaad ka helay xukuumada Federaalka, waxaana war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay inuu warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC ka dhageystay hoggaamiyaha Khaatumo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.
Dhinaca kale qaar ka mida xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ayaa ka hor yimid casuumaadda iyo soo dhoweynta xukuumadda Federaalka u sameystay hoggaamiyaha SSC.
Xidhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si kulul uga falceliyay qaabka Muqdisho loogu soo dhoweeyay Hoggaamiyaha SSC, isagoo dhaliilay xukuumadda Xamse, waxaana taageeray xildhibaanno kale oo Somaliland kasoo jeeda.
Dhinaca kale waxaa xildhibaan Maareeye u jawaabay xildhibaannada kasoo jeeda SSC iyo Puntland, taasoo dhalisay dagaal baraha bulshada ku dhex maraya labada dhinac.