Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Gole nooc cusub ah ka dhex magacaabay xukuumadiisa, kaasoo ay ka kooban 13 Wasiir iyo 6 xogheyn.
Waxaa Golahan lagu magacaabaa “Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya” waxaana qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in ujeedkiisu yahay dhismaha, kobcinta iyo isbeddelka horseedaya Horumar waara oo saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.
“Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya dadaalo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha”. ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Ra’iisa lwasaare Xamse.
Xubnaha Golaha cusub ayaa kala ah:
1. Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda
2. Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
3. Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
4. Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta
5. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
6. Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha
7. Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
8. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
9. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
10. Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
11. Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
12. Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
13. Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada
Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban:
1. Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW
3. Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW
4. Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW.
5. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW
6. Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW.