Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta degay xerada Hiilweyn ee degmada Baclad ee Gobolka Sh/Dhexe.
Kormeerka Ra’iisal wasaraha ayaa lagu sheegay dhiirigelin uu ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee saldhiggoodu yahay xerada Hiil-weyne ee degmada Balcad.
Ra’iisal Wasaaraha wuxuu ciidamadaasi u sheegay inay Dowladda iyo Shacabka abaal uga hayaan sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban. Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Muqdisho ay dhinaca amniga kala mid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka.
“Waxaan idinkugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina”. Ayaa ka mid ahaa khudbadii uu Ra’iisal Wasaare Xamsa oo u jeediyay ciidamadaasi xilli roob da’ayey.
Ra’iisul Wasaaraha oo xirnaa Dharka ciidanka ayaa waxaa socdaalka ku wehliyay wasiirka Gaashanadhigga iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida.


