Saturday, January 25, 2025

RW Xamsa oo Xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Akadeemiyada Cilmiga iyo Dhaqanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed oo qoraal uu diray dood badan dhaliyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasarah ayaa maanta Ismaaciil Yuusuf Cismaan loogu magacaabay inuu noqdo Sii-Hayaha Guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

Waxaa xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Akademiyada, Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax), waxayna tani ka danbeysay qoraal dood badan dhaliyay oo uu u diray Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, isagoo soo jeediyay in Dastuurka laga saaro Af-guriga Maayga, loona daayo Afsoomaali.

Ad

Waxay arrintan rtimid markii dhowaan magaalada Baydhaba looga dhawaaqay Qoralka Farta Maayga, waxayna dhalisay dood culus oo baraha bulshada lagu jeexjeexay, iyadoo gaartay xildhibananada qaarkood..

Arrinta yaabka leh ahaa ah in Dastuurka KMG ah uu Afka Soomaaliga u kala qaaday Lahjadaha Maxaa iyo ityo Maay, halka dadka kasoo jeeda K/Galbeed ay ku doodayaan in Maay uu yahay AF gaara.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON