Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xil cusub u magacaabay xildhibaan hore iyo La-taliyihii Sare ee Madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsanaa Hortagga iyo La-dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah.
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, halka agaasime ku xigeen loo magcaabay Ibraahim Aadan Ibraahim oo ka mida xubnaha kasoo goostay Alshabaab.
Qoraal kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, inuu magacaabay.
- Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan
- Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan
Wararka ayaa sheegaya in xaruntan cusub oo qaabislan dhaqan celinta Alshabaab ay leedahay mashaariic malaayiin dollar ah ii sha lagu hayo, waxayna toos u hoos tagtaa xafiiska Ra’iisal wasaaraha.