Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa safar dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe oo 30Km u jirta caasimadda Muqdish.
Socdaalka Ra’iisal wasaaraha aya ahaa kormeer ku saabsan dardar gelinta dhismaha Wadadda isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo wejigeeda saddexaad la filayo inuu bilowdo.
“Maanta waxaan u imid Balcad in aan soo kormeero hawsha ka socota jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo dhawaan dhismaha wajigii saddexaad uu billaaban doono” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa
Mashruuca dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa maalgelisay Dowladda Qatar, iyadoo uu qeyb ka ahaa mashruuca dhismaha Wadooyinka soo gala Muqdisho ee dowladii Farmaajo la saxiixatay Dalka Qatar.
Safarka dhulka ah ee Ra’iisul Wasaaraha ku tegay degmada Balcad waxaa ku wehliyay wasiirada Amniga, Waxbarashada Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar ee Somaliya.
Bishii Novembar 2023 ayuu Ra’iisal wasaare Xamse booqday degmada Balcad isagoo markaas dhiirigelin ugu tegay ciidamada Xasilinta Muqdisho ee halkaas ku sugnaa.