Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magacaabay Maareeyaha cusub ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga Soomaaliya.
Maareeyaha mashruuca oo aan hadda shaqeyn ayaa loo magacaabay Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxaan maanta xarunta Wasaaradda kusoo dhoweeyay wasiirka Kalluumeysiga Axmed Xasan Aadan iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Bashiir Cali (Baxnaan).
Wasiir Axmed Xasan Aaden ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyey tixgalinta soojeedinta lagu magacaabay mareeyaha cusub iyo qofka uu xilkan u soo magacaabay.
Agaasimaha ayaa la sheegay inuu hoos tegi doono mashruuc cusub oo laga helay Bankiga Adduunka, kaasoo loo qoondeeyay malaayiin Dollar, waxayna qaraabo yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xilka Maareeyaha Mashruuca Horumarinta xeebaha ayaa sanadkii 2015 waxaa soo dib u soo nooleeyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, dowladii hore ee Xasan Sheekh isagoo markaas u magacabaay Cabdi Jiinow Calasow, balse wuxuu ahaa Mashruuc magac ahaan u jira oo aan shaqeyn (Halkan ka Akhriso).
