Saturday, April 26, 2025

RW Xamsa oo Maareeye cusub u magacaabay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya ayaa u magacaabay Mustafa Yaasiin Sheekh Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Wareegtada magacaabista maareeyaha ayaa timid. kadib soojeedinta Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, sida lagu baahiyey Bogga Wasaaradda.

Mudane Mustafa Yaasin Sheekh ayaa hore u ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda, waxa uu ka howlgelayey Hay’adda tan iyo markii la asaasay, waana naareeyihii labaad ee mara hay’adda oo ay hareysay waxqabad la’aan.

Ad

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay i Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif uu bogaadiyey magacaabista Maareeyaha cusub, isagoo xusay in Hay’addu ay muhiim u tahay fulinta siyaasadaha Wasaaradda.

Sida uu dhigayo sharciga lagu dhisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waxey leedahay awoodda maamulka isgaarsiinta qaranka, sida ruqsad bixinta iyo xeer nidaaminta adeegyada isgaarsiinta dhamaan soohdimaha Soomaaliya.

Golaha Maamulka Hay’addu wuxuu ka kooban yahay sagaal (9) xubnood oo ka kala
imaanaya.
– 2 xubnood wasaaradaa boostada iyo isgaarsiinta
– 4 xubnood shirkadaha Isgaarsiinta
– 1 hal Qareen oo ka immaanayo Xafiiska Garyaqaanka Guud.
– Maareeyaha iyo ku-xigeenkiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON