Saturday, April 20, 2024

RW Xamsa oo kulan gaara la yeeshay Gaas iyo Cumar C/rashiid, kuna biiray Shirka..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xalay kulan gaara hoygiisa ula yeeshay Ra’iisul Wasaarayaashii hore Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ooa ka qeyb galaya shirka ka socda Muqdisho.

Kulankan ayaa lagu sheegay inuu ujeedkiisu ahaa inuu Ra’iisul Wasaare Xamsa warbixin siiyo labada mas’uul oo ay metelaad ahaan isku beel yihiin, iyadoo uu taagan yahay khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Arrimaha ay labada dhinac ka wadahadleen ayaa waxaa ka mida dagaalka Alshabaab, barnaamijka Deyn cafinta, Cuna-qabateynta Hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalka.

Ad

Wararka ayaa sheegay inuu shirkan ahaa is-arag u gaara labada dhinac oo ku saabsanaa xaaladda Puntland oo khilaf ka taagan yahay Doorashada iyo Dowladda Federaalka oo sidoo kale wajaheysa diidmo ka timid go’aanadii Golaha Wadatashiga ee Arrimaha Doorashooyinka.

Dhinac kale Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa maanta ku biiray shirka Wadatashiga ee madaxda dowladda ay la leeyihiin Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta qaarkood, kadib markii uu shalay ka maqnaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON