Monday, February 17, 2025

RW Xamsa oo ka qeyb galay Xaflad, Qoraal kululna kasoo saaray Qaraxyadii Alshabab ee Soobe

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre oo maanta ka qeyb galay xaflad ka dhacday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Isgoyska Soobe.

Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab oo uu sheegay inay ku beegsadeen maanta dadka maatida ah, wuxuuna sheegay inaysan marnaba niyad jebin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya kula jirto AlShabaab.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Al Shabaab oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyagoo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Ad

Xafladda xuska 99-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga ee maanta lagu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Ra’isul wasaaraha iyo mas’uuliyiin badan xilli magaalada ay ka taagneyd saameyntii ka dhalatay Qaraxyadii Alshabaab ka geysteen Wasaaradda Waxbarashada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON