Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inuu soo dhisi doono Gole Wasiiro tayo leh oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ka kooban dhinacyo kala duwan.
Wuxuu sheegay in Golaha Wasiirada cusub ay ku jiri doonaan xubno ka tirsan xisbiga UPD ee isaga iyo Madaxweynaha ay ka tirsan yihiin iyo dhinacyada kale ee Soomaalida kale, ayna noqon doonto xukuumad lagu wada jiro.
Ra’iisal wasaare Xamsa oo u waramay VOA ayaa wuxuu rajo ka muujiyay in isaga iyo madaxweynaha ay si dhow u wada shaqeeyn doonaan, khilaafkuna imaan karo balse ay heli doonaan qaab ay ku xaliyaan kala aragti duwanaansho siyaasadeed ee dhex imaan kara.
Ra’isul wasaare Xamza Cabdi Barre oo maanta helay kalsoonida Golaha Shacabka si uu xukuumad usoo dhiso ayaa bilaabay la-tashiyada golaha wasiirada.