Thursday, November 7, 2024

RW Xamsa oo Golaha Wasiirada u sheegay inay dhaqan geliyaan Hehiiskii Madasha Qaran

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u sheegay Golaha Wasiirada in looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii hannaanka Doorashooyinka oo ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo Dood weyn ka dhaliyay dalka.

Heshiiskaas oo ay ka mid ahaayeen Doorashooyin qof iyo cod ah, in loo guuuro hanaankka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen iyo muddo kordhin loo sameeyo qaar ka mida maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka hor yimid Puntland iyo Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin caan ah.

Xamza oo ka hadlay kulankii golaha wasiirada ee maanta ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay fursad qaali u ah shacabka Soomaaliyeed. “Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan,” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza.

Ad

Wuxuu faray wasaaradaha inay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, sida uu ku dooday.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna xukuumaddu ay billaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

“Hadafka xukuumadda Dan Qaran waa in aynaan noqon kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya,” ayuu yiri RW Xamse.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON