Saturday, February 15, 2025

RW Xamsa oo Golaha Amniga Midowga Afrika ku wargeliyey Dagaal weyn oo lagu qaadayo Alshabaab..

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Safiirada Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo xilligan Muqdisho ku sugan.

Kulanka ayaa ku saabsanaa iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee dhinacyada ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, iyadoo dib loo eegayo howgalka ATMIS iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, isagoo u sheegay inay Soomaaliya isu diyaarinayso dagaal weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada Alshabaab iyo Daacish, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.

Ad

Safiirka Djibouti ee Addis Ababa, Cabdi Maxamuud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa caddeeyay inay Midowga Afrika la garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.

“Waxaan kulan ku saabsanaa iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee xagga amniga dalka iyo la dagaallanka argagaxisada aan maanta la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka & Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamza oo farriintan soo diray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON