Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Mahad Maxamed Salaad ayaa la wareegay xilka Agaasimah Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka SOomaaliya ee NISA, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka ansixiyey xukuumadda Xilgaarsiinta.
Raiisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Galabta xilalka u kala wareejiyey ku-simihii hore ee Agaasimaha NISA Xildibaan Yaasiin C/llaahi Farey iyo Agaasimaha cusub Mahad Maxamed Salaad oo lumiyey kursigii xildhibaannimo.
Agaasimaha NISA Mahad Salaad, ayaa maanta xilka hay’adda si rasmi ah ula wareegay.
Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh kama soo bixin weli magacaabis rasmi ah oo ku saabsan xilka uu maanta la wareegay Mahad Salaad ee Agaasimaha hay’adda NISA.
Waxaa dood sharciyeed oo culus ka taagan tahay sida Gole Wasiiro xilgaarsiin ah oo ku jira xilligii ugu danbeeyay ay u ansixin karaan xilal dowladda cusub ka mida sida Taliyaha NISA, arrintan oo ahayd tallaabo ay si weyn sharci ahaan u dureen musharixiintii uu ka mid ahaa madaxweynaha hadda xilka la wareegay ee Xasan Sheekh Maxamuud.
