Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda xilgaarsiint Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalka Kenya.
Socdaalka Rooble ayaa ka danbeeyay martiqaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo socdaalkii ay Muqdisho ku timid Wasiiradda Arrimaha dibadda Kenya, waxaana la sheegay inuu ku saabsan yahay xoojinta xiriirka labada dal.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa waxa ka mida xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo mas’uuliyiinta xafiiskiisa, waxaana socdaalkan la filayaa in heshiisyo ay ku kala saxiixdaan dalalka Somalia yo Kenya, gaar ahaan fududeynta socdaalka iyo ganacsiga.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Rooble ayaa Garoonka Aden Cadde kula shiray taliyeyeasha Ciidamada Amniga, isagoo kula dardaamay sugidda Amniga Muqdisho inta uu dalka ka maqan yahay.
Khilaaf salka ku haya socdaalka Ra’isal wasaaraha iyo xiriirka Kenya ayaa dhex maray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo qoraallo iska horjeeda saxaafadda isu mariyey.
