Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqadii ka joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Wareegto si sharciyeysan loo qoray oo saaka aroortii ka hor aadaanka hore ee salaada subax kasoo baxday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inuu agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ku milmay arrimaha siyaasadda, kana dhega adeygay amarkii Ra’iisal wasaaraha ee warbixinta Ikraan Tahiil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo hore u soo noqday agaasimaha NISA si ku-meel gaar ah ugu magacaabay xilka agaasimaha Hay’adda NISA.
Rooble ayaa sidoo kale faray xeel-ilaaliyaha guud ee maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida inuu baaritaan rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaddibna horgeeyoo ‘Maxkamad sharci ahoo awood u leh’.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Fahad Yaasiin dalbaday inuu warbixinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu siiyo Golaha Amniga Qaranka, halkii uu ka jawaabi lahaa dalabkii Ra’iisal wasaaraha ee ahaa inuu 48 saac ugu gudbiyo warbixinta sarkaalad ka tirsayed NISA oo la sheegay inay dileen Alshabaab.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA SHAQO KA JOOJINTA FAHAD YAASIIN

SHAQO KA-JOOJIN IYO MAGACAABIS KUMEEL GAAR AH.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Markii uu arkay: Qodobada, 97-aad . 99-aad 100-aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Qeexaya awoodaha Xuukamadda Fedearaalka ah ee Soomaliya.
Markii uu arkay: Qodobka 10-aad, ee Dastuurka oo ka hadlaya in aan awoodda Dawladda marna loo isticmaalin meel uga dhicid karaamada aadanaha.
Markii uu arkay: Qodobka 13-aad ee Dastuurka kana hadlaya xaqa nolosha.
Markii uu arkay: Qodobka 127-aad ee ka hadlaya in Ciidamadu dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda isla markaana garawsaday sida Agaasimaha hay’adda nabadsuggidu ugu milmay arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo aad xasaasi u ah.
Markii uu tixgeliyay go’aankii Madaxweynaha JFS uu baarlamaankii 10-aad hortiisa kula wareejiyay Ra’iisul wasaaraha XJFS hogaaminta doorashada iyo amniga.
Markii uu garwaaqsaday in warbixintii hay’adda ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahlil Faarax aanay ahayn mid lagu qanci karo.
Markii uu arkay warqadda sumadeedu tahay XTC/HSNQ/LD/014/21 ee uu soo saaray Agaasimaha Guud NISA taas oo muujinaysa sida uu uga madax-adaygay in uu fuliyo amarkii Ra’iisul wasaraha ee 04-09-02021 ee lagu faray in uu 48-saac gudahood ku keeno warbixin dhamaystiran laguna qanci karo
Markii uu tixgaliyay duruufaha Doorashada ce Dalku uu ku jiro, danta guud ee cadaaladda, ilaalinta sumcadda hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo ka hortagista qatarta amni ee ka dhalankarta.
Wuxuu xeeriyey:
Qodobka 1-aad
Ra’iisul wasaaraha JFS wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha guud ee hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Mudane Fahad Yaasin Xaaji Daahir.
Qodobka 2-aad.
Waxaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda qaranka.
Qodobka 3-aad.
Waxaa la farayaa dhamaan hay’adaha ay kala dhexeyso shaqada Agaasimaha guud ee hey’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka in ay gacan ku siiyaan hogaanka kumeel gaarka ah xilgudashadiisa.
Qodobka 4-aad.
Agaasimaha shaqada laga joojiyay waxaa lafarayaa inuu xilka ku wareejiyo agaasimaha kumeel gaarka ah ee hay’adda mudo saddex maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka uu saxiixo Ra’iisul wasaaruhu Warqadaan.
Qodobka 5-aad.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida waxaa la farayan in uu baaris rasmi ah oo dhamaystiran kusameeyo kiiska Ikraam Tahlil Faarax kadibna horgeeyo maxkamad sharci ah oo awood uleh.
Qodobka 6-aad.
Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Ra’iisal wasaaraha JFS.