Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble ayaa ka qaaday tallaabo culus, isagoo xilkii ka qaaday Gacan-yarihii Maxamed Farmaajo ee ka mid ahaa madaxda sare ee Hay’adda NISA.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa xilkii looga qaaday Madaxa Shaqaalaha ee Hay’adda NISA C/llaahi Aadan Kulane (Jiis) iyo Taliyaha Nabadsugida ee Garoonka Aadan Cadde C/wahaab Sheekh Cali.
Labadan mas’uul oo ka tirsan hay’adda NISA oo si toos ah u maamusha Gobolka Gedo, ayaa lagu eedeeyay inay jabiyeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in aan garoonk diyaaradaha Aadan Cadde lagu celin karin Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wareegtada ayaa u qorneyd sida soo socota:
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markuu arkay qodobka 21aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, faqradiisa 1aad ee dhigaya qofkasta oo si sharci ah u degan Jamhuuriyadda waxa uu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex socon karo meelkasta oo dalka ka mid ah kana bixi karo.
Iyadoo la tix raacayo amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 21 July 2021, ee sida cad u qeexaya in qof muwaadin ah aan laga hor joogsan Karin in uu u safro ama ka soo dego deegaan ama gobolka ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lagana jawaabayo falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday si sharci darro ah inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, taasi oo xad gudub ku ah amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo xaquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniintaas Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali, iyadoo muwaadiniitnta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwii maanta safarka laga xayiray inay xor u yihiin socdaalkooda”.
Ma cadda sida wareegtadan u fulin doonto, iyadoo C/llaahi Kulane oo ah ninka ugu Awoodda badan Hay’adda NISA, marka laga reebo agaasimaha Fahad Yaasiin, wuxuuna gacanyare u yahay Farmaajo, isagoo ah ninka mas’uulka uga ah Arrimaha Gobolka Gedo.
Tallaabadan ayaa keeni karta inay isku dhacaan Farmaajo iyo Rooble, iyadoo la ogyahay in Farmaajo uu weli gacanta kula jiray arrimaha Doorashada.
