Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa qabsoomay, kadib doorashadii Madaxweynah cusub, waxaana guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Shirka ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
DHinaca kale Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka ku sagootiyey madaxweynihii hore Maxamed C/llaah Farmaajo, isagoo uga mahadceliyey sida ay u soo wada shaqeeyeen ayna dalka u gaarsiiyeen doorashada; inkastoo uu qiray inay khilaafaad iska jireen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inaysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa Farmaajo, marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay, sida milkiiilaha.
Wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxweynaha la doortay ugu duceeyaan in uu Eebbe ku guuleeyo howsha qaran ee loo igmaday.