Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi la sheegay inay soo baarayaan cabashada waalidiin Soomaaliyeed ee ay ka maqan yihiin wiilashooda.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu seegay in guddiga oo ka kooban 5 xubnood ay soo baarayaan cabashada Waalidiin Soomaaliyeed oo War iyo wacaal ka helin caruurtooda oo sheegeen in tababar loogu loogu diray dalka Eritrea.
Gudigga arrintan loo magacaabay waxaa ka mida: Wasiirada Gaashaadhigga iyo Arrimaha Gudaha, Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, Taliyaha Ciidamada xoogga Dalka iyo Afhayeenka Xukuumadda, iyadoo aysan meesha ku jirin Wasaaradda Amniga, Madaxtooyada iyo Taliska NISA oo arrintan si toos ah ugu lug lahaa.
Magacyada Guddiga ayaa kala ah:
1- Xasan Xuseen Xaaji (Wasiirka Gaashaandhigga -Guddoomiye)
2- Mukhtaar Xuseen Afrax (Wasiirka Arrrimaha Gudaha-Xubin)
3- Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac llkajiir (Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia -Xubin)
4- Gen. Odawaa Yuusuf Raage (Taliyaha Xoogga Dalka – Xubin)
5- Maxamed lbraahim Macallimuu (Afhayeenka Xukuumadda – Xubin)
HOOS KA AKHRISO
